Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goor dhaw qarax ku weerarareen ciidamo ku sugnaa magaaladaasi.
Qaraxa ayaa waxa la sheegay inuu ahaa bamka gacanta laga tuuro waxaana lala eegtay Askar ka tirsan Maamulka KMG ah ee JUBBA, iyadoo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ay warar kala duwan kasoo baxayaan.
Waxa qaraxaasi la soo sheegayaa inay ku dhinteen 2 qof halka ay ku dhaawacmeen 3 qof tiro ka badan oo dhamaan ahaa shacab ka ak dhawaa meesha qaraxa uu ka dhacay.
Dhanka kale Ciidamada Maamulka JUBBA ayaa waxay hadda baaritaano ka sameynayaan halka qaraxa uu ka dhacay ee bartamaha Kismaayo waxaana aad uyar wararka laga helaayo halkaasi.
Somaliweyn