Ku simaha Madaxweynaha Dalka Oo Gudi U Saaray Aaska Qaran ee Xildhibaan Cumar Isloow,kana tacsiyadeeyey geeridiisa…

0
871

JawaariIyoDhalinyarada20130621_1Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, maanta oo ay taariikhdu tahay 29ka bisha October waxaa nasoo gaaray war naxdin leh oo ku saabsan inuu geeriyooday Allaha u naxariistee Walaalkeen Cumar Isloow Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana uu ku geeriyooday isbitalka Agar Khan ee magaalada Nairobi oo mudooyinkan uu ku xanuunsanayey,waxaan tacsi tiiraanyo leh halkaan uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed”

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tacsi gaar ah waxa uu u diray qoysaska iyo ehellada marxuumka oo uu Alle uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana uu Alle janadii Fardowsa geeyo waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku tilmaamay Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed Allaha u naxariistee inuu ahaa nin shaqooyin badan usoo qabtay dalka.

Dhinaca kale Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gudi u saaray qaban qaabada Aas Qaran oo loo sameeyo Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed ayadoo gudigaasina ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagaleen qaban qaabada Aaska Marxuumka oo Muqdisho ka dhici doona.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cumar Isloow Maxamed oo saakay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ka mid ahaa Mudaneyaasha ugu firfircoon XIldhibaannada Golaha Shacabka isagoo Xildhibaanna ahaa 14kii sano ee lasoo dhaafay,sidoo kalena waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.