Kulan Looga hadlayo Aayaha Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi

0
1190

NairobiMagaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta waxaa ka furmay kulan balaaran oo looga hadlayo aayaha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha maamulka Galmudug, madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud, mas’uuliyiin ka socota maamulka gobolka shabeelaha hoose, iyo shabeelaha dhexe, iyo marti sharaf kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay shirkani inuu daba socdo shir hadda ka hor Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlayay arrimaha la xiriira horumarinta gobolada dhexe, isagoo sheegay in shirka uu socon doono mudo labo cisho ah loona baahanyahay sida uu yiri in la badiyo shirarka looga hadlayo aayaha gobolada dalka Soomaaliya, waxaana uu xusay in caawa ka qeyb galayaasha Casho sharaf uu ugu sameynayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulada ka qeyb galaya Shirka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in shir noocaan oo kale ah la qabto, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dadka ku nool gobolada dhexe ay qaataan nabadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanadooda .

Shirkani ayaa la filayaa in la soo gabo gabeeyo maalinta barito ah, iyadoo waxyaabaha ugu waaweyn lagu gorfeynayo shirkani uu yahay sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo sidii kaalmo dhab ah loo gaar siin lahaa dadka ku nool goboladaasi.

Radio Muqdisho