Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan Mariiniska Mareeykanka oo saakay aroortii weerar qorsheysan ku qaaday Guri ku yaala magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Dad deegaanka ku sugan ayaa sheegay inay maqleen rasaas culus iyo bambooyin qarxay oo la isweydaarsanayo iyadoo ciidamo ajnabi ah ay ku soo daateen qeyb ka mid ah magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada weerarka soo qaaday ay wateen 2 xaboo Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ah, islamarkaasna ay ku buufsanaayeen Calanka Mareeykanka, Ciidamadaan ayaa waxay is rasaaseyn xoogan dhexmartay Ciidamo katirsan kuwa shabaab oo ilaalo ka ahaa Guriga la weeraray.
Waxaa la sheegayaa illaa hadda in xal ruux uu dhintay dhowr kalana ay dhaawacmeen.
Ciidamadii ahaa ayaa markiiba isaga laabtay magaalada waxayna ku baxsadeen diyaaradii ay saarnaayeen oo ahayd nooca Qumaatiga u kaca ee loo yaqaano “helicopter”.
Ilo wareed aan dooneyn in la magacaabo ayaa sheegay in guriga la soo weeraray uu ku sugnaa hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo ka mid ah kooxda Amniyaadka Al Shabaab, hase yeeshee illaa hadda lama xaqiijin karo in guriga uu deganaa Godane iyo in kale.
Wixii warar ah ee kusoo kordh waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah.
Midnimo