Maamulka Degmada Marka oo sheegay in Masuuliyiinta Sh/hoose qaarkood ay isbaarooyin dhigteen Gobolka

0
1234

MarkaBeachMaamulka Degmada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa ku eedeeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/hoose in ay Jid gooyooyin u yaallaan qeybo ka mid ah Gobolkaasi.

Max’ed Yariisow oo ah Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxda Maamulka Haatan aanu imaan Karin deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Sababo la xiriira dhinaca Nabad Gelyada.

“Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose halka uu doono oo gobolka ka mid ah waa uu tagi karaa balse masuuliyiinta qaar ee Gobolka Afgooye iyo meelo kooban ma soo dhaafaan” ayuu yiri Max’ed Yariisow guddoomiyaha degmada Marka.

Masuuliyadda isbaarooyinka yaalla qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Sh/hoose ayaa dusha looga tuuraa qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka Gobolkaasi Sh/hoose

 

Source: Shabelle