Maamulka Galmudug oo sheegay inuu soo hagaagayo ammaanka deegaannada uu ka arimiyo

0
987

GaalkacyoMaamulka Galmudug ayaa sheegay in uu soo hagaagayo amaanka deegaannada uu ka arimiyo, isaga oo sheegaay in dhinaca kala ay jirto wada shaqeeyn dhinaca amniga ah oo u dhexeeysa maamullada Galmudug iyo Puntiland.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Galmudug Axmed Baasto oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan todobaadle ah oo ay shalay yeesheen guddiga ammaanka, isagoo xusay in kulankaasi looga hadlayay dardargelinta ammaanka deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in hadda ay socdaan dadaallo muuqda oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciidamada iyo shacabka kaas oo lagu xaqiijinayo amaanka.

“Galmudug waxaan ku tilmaami karaa inuu ka jiro amni la isku haleyn karo, adeegga bulshadana lagu fulin karo, marka nolol ilaahey looga xamdi naqo ayaa taala, marka rasmi ahaan loo fiiriyo’’ Ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Galmudug.

Wasiirka oo soo hadlqaaday xiriirka ay la leeyihiin maamulka Puntland ayaa sheegay in xiriika wada shaqeyneyd ee u dhaxeeya labada maamul uu aad u wanaagsanyahay, isagoo hoosta ka xariiqay in kulamo joogta ah ay yeeshaan wasiirrada ammaanka ee maamullada Galmudug iyo Puntland.

Radio Muqdisho