Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaankaMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo kumaanaan dadweyne ah ayaa maanta salaadda ciidda ku dukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo salaada Ciidda kaddib khudbad uu jeediyey wuxuu ugu hambaleyeeyey ummadda muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabada ciidda, wuxuuna u rajeeyey in ay ciidaan ciideeda ku gaaraan nabad, horumar iyo barwaaqo.
Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya munaasabada ciidda barakeysan ee ciidul Adxaa.
Magaalada Muqdisho ayaa ammaankeedu soo wanaagsanaanayaa, waxayna taas keentay in dadka isku soo baxaan oo ay isugu yimaadaan fagaarayaasha waa weyn.
Bar-Kulan