Madaxweynaha Somaliland oo u ambabaxay dalka Turkiga, markii uu casuumaad ka helay

0
945

SiilaanyoHargeysaAirportMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Hargeysa, iyagoo u ambabaxay dalka Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga, iyadoo socdaalkiisa ay la xiriirto iskaashiga labada dhinac, horumarinta iyo arrimo kale, inkastoo aan wax faah faahin laga bixin safarka Madaxweynaha.

Lama oga in socdaalkiisa ay sidoo kale salka ku heyso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii labo wareeg oo hore wada hadalada ay garwadeenka ka aheyd Turkiga ay uga kala dhaceen Ankara iyo Istanbul.

Dhowaan ayaa la filayaa inuu dhaco wareegii 3aad ee wada hadalada, kadib markii bishii July heshiiskii labada dhinac ay gaareen uu qodob ka mid ah dhigayay in 120-maalmood kadib la kulmo, taasoo haatan ku dhow.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, inkastoo aanay caalamka ka helin aqoonsi, hadana deegaanadeeda ayaa ah kuwo nabdoon oo doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen.

Jowhar