Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha oo Cambaareeyey Qaraxii Beledweyn

0
912

XasanSheekhBarlamaanka20130910_3Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta si kulul u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyn oo halkaas dad aan waxba galabsan isku qarxiyey.

Madaxweynaha ayaa yiri “Falkan is-qarxinta waa mid ay kooxaha nabad diidka ah ku diidanyihiin horumarka shacabka iyo nabadeynta, waa mid fuleynimo ah oo aan dhaqanka diinta iyo kan Soomaalinimadaba ku dhisneyn oo ah afkaar shisheeye oo dalka naloo keenay. Shaqsigan is qarxiyey waxuu si aan naxariis laheyn isagu qarxiyey shacab aan waxba galabsan. Tani waxey na tuseysaa in kooxaha Al-Shabaab ay ka soo hartay mintidnimo iyo is qarxin oo looga guuleystay dagaalkii fool ka foolka ahaa.”

Madaxweynaha oo tacsi u diraya shacabka ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Soomaalida, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii intii ku geeriyootay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannaddii fardowsa ka waraabiyo, inta dhimatayna inuu EEBBE u fudueeyo oo ay si dhaqsi leh ku bogsadaan.”

___________________________________________________
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne

Muqdisho, October 19, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna ille bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda maamul.

Qaraxa saaka abaara 11:00 barqinnimo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala meel ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa fuliyay qof naftii-hallige, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid ah.