Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo isku fahmay qaabka isku shaandheynta Golaha Wasiirada

0
884

XasanSheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isku fahmay qaabka loo wajahayo isku shaandheynta iyo habka xulista Golaha Wasiirada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka jirto reyn reyn iyo yididiilo la xiriira sida labada Mas’uul ay isugu fahmeen arrimaha taagan, kadib markii todobaad ka hor ay isku fahmi waayeen liiska Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu diidanaa xubno Wasiiro ka ah Xukuumadiisa in lagu soo daro isku shaandheynta Xukuumada, taasoo Madaxweynaha uu ka biya diiday, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu u arkay Wasiiradaas kuwo falaago ka noqday.

Inkastoo ay wali adag tahay in wax la saadaaliyo, hadana waxaa la leeyahay Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha ayaa ku mashquulsan arrimaha isku shaandheynta iyo xulistooda, iyadoo kulamo gaar gaar ah ay ka yeesheen.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu gudbiyay badi xubnaha Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kulamo Xafiiskiisa kula qaadanayay xubno kala duwan, isagoo uu kala tashanayay qaabka xulista iyo isku shaandheynta Xukuumada,

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay dhowrkii maalmood ee u dambeeyay tirada Xukuumada laga dhigi doono, maadaama Ra’iisul Wasaaraha uu ka dhawaajiyay in la ballaarinayo.

Tirada ayaa la isku wadaa 20-25 Wasiiro oo habka loo qeybsanayo ay noqonayaan kuwo sinaan doono, ha yeeshee waxaa dhici kara in wax un is bedelaan, bacdamaa arrimuhu yihiin kuwo ugub ah oo wali karinteeda ay socoto.

Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa dib u soo laabanaya, halka qaarna boosaskooda laga bedelayo, kuwa cusub waa ay ka soo muuqanayaan Golaha Wasiirada, waxaana magaalada maalmahan ka jiray kulamo siyaasadeedyo kala duwan oo u badnaa kuwo xilal lagu raadinayay.

Laakiin walaaca ayaa laga qabaa saameynta uu la imaan doono Baarlamaanka oo guux badan ka jiro, inkastoo aan wali wax mooshin ah la keenin Gudoonka baarlamaanka, hadana waxaa socda kulamo hoosaadyo ay leeyihiin Xildhibaano dhaliilsan Xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ku dhawaaqista Golaha Xukuumada ayaa la filayaa in dhamaadka bishan ay dhacdo ama bisha November, iyadoo diyaar garow loogu jiro isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha wasiirada sanad kadib markii la soo dhisay.

 

Jowhar