Madaxweyne Xasan “Booliiska waa inuu dishibiliinka adkeeyaa si shacabka kalsooni looga helo”

0
893

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay tababar ay 450 layli saraakiil booliis ah ay muddo 45 cisho ah ku qaadanayaan Muqdisho. Xafladdan furitaanka tababarka Booliiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Wasiir ku xigeenkiisa Xasan Japan, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliyeed.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaan munaasabadda maaweelo iyo suugaan ka soo jeediyey ciidanka Heegan. Waxaana goobta ka hadlay Taliyaha Booliiska, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo khudbad dheer goobta ka soo jeediyey ayaa yiri “Ciidanka Booliiska waa inay illaaliyaan dishibiliinkooda oo saldhig u ah kalsooni siinta shacabka Soomaaliyeed. Tababarada noocan oo kale ah waa inay noqdaan kuwo tayadii, iyo khibradiii ciidanka sare u qaadda si ay shacabka ugu adeegaan oo ay u badbaadiyaan.”

Madaxweynaha oo tababarka maanta si rasmi ah u furay ayaa sheegay muhiimadda ciidanka iyo sida ay dowladda mudnaanta koowaad u siisey amniga oo lafdhabar u ah horumarka bulshada. Madaxweynaha oo sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay wax badan u qabsoomeen, ayaa yiri “ Waxaan marka hore u hambalyeynayaa ciidanka Soomaaliyeed oo marwalba diyaar u ah difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, oo duruufo adag ku soo shaqeeyey in muddo ah, welina u taagan bad-baadada shacabka Soomaaliyeed. Dowladdu waxey mudnaanta koowaad siisey amniga, tayeynta ciidanka iyo helitaanka xuquuqdooda. Waxaan labo jibaarnay raashinka ciidanka, waxaana bixinaa mushaaraadka ciidanka wallow ay aad u yaryihiin marka loo eego baahida iyo baaxadda ciidanka.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimadda tababarka cidianka ayaa yiri “Aqoontu waa iftiinka dalka oo ciidanku waxuu si joogta ah ugu baahanyahay in tayadooda iyo aqoontooda la kordhiyo, isla markaana khibradda ciidanku ay keento in shacabka la badbaadiyo. Sidoo kale dishibiliinka ayaa muhiim ah oo keeni kara in shacabka kalsooni ku qabaan ciidanka Soomaaliyeed.”

 

XasanSheekh20131005_6 XasanSheekh20131005_5 XasanSheekh20131005_4 XasanSheekh20131005_3 XasanSheekh20131005_2 XasanSheekh20131005_1