Madaxweyne Xassan oo ku baaqay in dagaalka argagixisada si buuxa looga wada qeybqaato

0
926

XasanSheekh20130929_1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid tahay Raisul/ Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha Dibadda Marwo Fawzio Yusuf Adam iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxey u ambabaxeen Addis Ababa oo ay uga qeybgalayaan shirka aan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha Midowga Afrika iyo shirka madaxda IGAD.

Shirka Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadli doonaa Maxakamadda danbiyadda caalamiga ah (ICC). Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale wuxuu ka qeyb geli doonaa shir ay ka soo qeyb galayaan Madaxda dalalka ku bahoobay IGAD oo looga hadli doono amniga iyo falkii foosha xumaa ee ka dhacay goobta ganacsi ee Westgate.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah oo ah dhanka amniga la qaadan doono Madax kale duwan oo Afrikaan ah.

“ Soomaaliya waxey dagaal kula jirtay muddo sanado ah argagixiso waana in aan hada sii labo jibaarnaa howl galadda lagula jiro  cadawga. Waa in aan u diidna in ay helaan dhul ay ku tababartaan ama ay ka soo maleegaan, waana in aan hubsaanaa in howlgaladda military ay bar bar socdaan midka saxaafadda iyo wacyi gelinta.”