sMid ka mid ah Ragga looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay Weerarkii Bishii hore lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ninkani ayaa Magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdi Dhuxulow ,da’ ahaan jira 23 , waxaana uu heestay baasaboorka Norway , iyadoo lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa weerarka Bishii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Nairobi.
Xasan iyo illaa 4 kale oo la socotay ayaa laga daawaday Kaamirooyinka ku xirnaa dhismaha Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Si kastaba Xasan ayaa la sheegay in uu ku dhashay Soomaaliya , isagoo qaxooti ahaan Waddanka Norway loogu qaabilay isagoo 9 jir ah , iyadoo warbixintu ay xustay in Xasan uu ku soo laabtay Soomaaliya sanadku marka uu ahaa 2006.
Shabelle