Maleeshiyo dad Rayid ah dil iyo dhaawac Sh/dhexe ugu geysatay

0
900
Markacadeey.com

Markacadeey.comSida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugan Tuulo lagu Magacaabo Geedo Barkaan oo ka tirsan Gobolka Sh/dhexe Kooxo Xoolo leey ah oo Hubeysan ayaa ku dilay halkaasi Nin Beeraleey ahaa iyadoo 4 kale oo qaarkood ay ahaayeen Caruur ay ku dhaawaceen tuuladaasi.

Goob Joogayaasha ayaa sheegay in kadib Rasaastaasi ay Xoolaleyda weerarka soo qaaday Xoolo fara badan ay daajiyeen Beerahaasi sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen dad ku sugan Magaalada Jowhar oo a hoos tagto tuuladaasi.

Intaasi kadib ayaa lagu soo warramayaa in Goobta ay wax ka dheceen ay gaareen Maleeshiyo Hubeysan oo ka careysnaa Falkaasi lagula dhaqaaqay Beeraleyda la weeraray.

Si kastaba Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa Ciidamo u diray Tuulada Geeda Barkaan ee ay wax ka dheceen si looga hortago Xiisad halkaasi ka dhalata.

Shabelle