Markab Laga Leeyahay Mareykanka oo Shalay Badbaadiyay 128 Muhaajiriin Soomaali ah

0
817

tahriibayaalSomaaliMarkab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa ku guleeystay in uu soo badbaadiyo ugu yaraan 128-qof oo ah muhaajiriin Soomaali ah kuwaasi oo doonidii ay ku safrayeen oo ku quustay biyaha Malta xilli uu socdo codsiga uu jeediyo R/wasaaraha jasiirada Malta Joseph Muscat,codsigaasi oo uu uga dalbanayo dalalka Yurub in ay tallaabo ka qaadaan si wax looga qabto qulqulka qaxootiga ku soo qulqulaya yurub.

Soo galootiga Soomaalida ah ee ku safrayay doonida Quustay ayaa waxa ku dhuftay dabeeylo aad u xoogan iyo biyaha badda oo aad u kacsan, xilli ay mareysay Koonfurta Jasiiradda Malta meel masaafo ahaan u jirta 75-mile

Markabka soo badbaadiyay Soomaalida soo galootiga ah ayaa ahaa nooca shidaalka oo markii ugu horeeysay gaaray goobta,laakiin waxaa aad ugu adkaaday shaqaalaha saarnaa markabka inay ka soo daabulaan dadkii saarnaa doonida illaa uu faragalin xoog ah uu ku sameeyo markab noociiisu yahay USS San Antonio oo ah markab ay leeyihiin ciidamada Badda Mareykanka oo xaruntiisu tahay Magaalada Naples ee Dalka Talyaaniga

Dadka Soo galootiga ah ee la soo badbaadiyay ayaa loo gudbiyo jasiirada Malta.

Boqolaalo kamid ah dadka magangelyo doonka ah ayaa xiliyadan waxa ay ka tagaan wadamada Eritrea, Soomaaliya iyo Dalka Syria,kuwaasi oo ku geeriyooday labadii masiibo ee ku kala asteeysnaa 3-dii iyo 11-kii bishan October biyaha Middeteran-ka.

Joseph Muscat oo ah, R/wasaaraha Malta ayaa ka codsaday Midowga Yurub in ay u bedelaan Ficil talaabada laga qaadayo Dadka Muhaajiriinta ah si gacan looga geeysto arrinka dadka Magangelyo doonka ah.

Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii Jasiiradda Sicilliya looga dhawaaqay xaaladda Deg deg ah si looga jawaabo tirada sii kordheysa ee dadka Muhaajiriinta ah ee isku dayaya in ay ku galaan Dalalka Yurub doonyo buux dhaaf ah oo sharci daro ah, kuwaasi oo ay Quburada ku sheegaan in ay yihiin doonyo aanan ku habooneeyn in ay lagu safro.

Diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn,maraakiibta dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca ee helocoptariska ayaa lagu daabulay maalintii talaadada gudaha iyo hareeraha biyaha wadanka talyaaniga si ay u cabsi galiyaan dadka doonyaha ku soo galaya dalka Talyaaniga.

R/wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in ciidamada badda dalka Talyaaniga ay ka soo badbaadiyeen 290-kamid ah dadka soo galootiga meel u dhow jasiiradda Lampedusa.

Ugu yaraan 32,000 oo qof oo ah dadka magangelyo doonka ah ayaa la dejiyay gudaha dalalka Talyaaniga iyo Malta sanadkan sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Waxaana la filayaa in shri madaxeedka Midoowga Yurub oo lagu wado in uu asbuucan ka dhaco dalka Beljimka looga doodo arrimaha la xiriira dadka qaxootiga ah ee naftooda halista galinaya si ay u galaan wadamada Yurub,iyagoo u maraya biyaha badda Mideterean-ka.

Radio Muqdisho