Xaflad lagu sagootinayo fanaanada Hibo Nuuro oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ay ka mid aheeyd ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arimaha dibada ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.
Munaasibaddan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Marwooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Marwo Qamar Cumar Cali, Marwada Madaxweynaha, iyo Caasho Xaaji Cilmi, Marwada Ra’iisul wasaaraha.
Xaflada lagu sagootinayay Fanaanada Hibo Nuura oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay, Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Marwada Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Xaawo Ibraahim, Xildhibaannada Haweenka ah ee Barlamaanka, Guddoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar, iyo abwaaniin waxaana halkaasi heeso qiiro badan kusoo bandhigay Fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi iyo Fanaaniinta kooxda Rajo.
Jawiga munaasabada oo ahaa mid aad u farxad badnaa ayaa waxaa lagu furay, Hees loogu talagalay Fanaannadda Hiba Nuurra oo ay ku luuqeynayeen Fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi.
Sidoo kale Inta ay Munaasibadda socotay ayaa Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweynka iyo Carruurta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Golaha Shacabka uu diyaariyay Shahaaddo Sharaf loo gartay in la guddoonsiiyo Fanaannada Hiba Nuura.
Dhanka kale Hubo Nuura ayaa Heeso aad u qiiro badan kusoo bandhigtay halkaasi taaso wax badan ka badeshay dareynka mas’uuliyiintii iyo dhamaan dadkii ka qeybgalay munaasibaddii xalay.
Gabagabada Munaasibadda oo gaartay Habeen barkii sida ay xiisaha u lahayd ayaa ku soo gabagaboobday jawi farxadeed, iyadoo Fanaanadda Hiba Nuurra lagu guubaabinayay in aysan ka tagin dalkeeda, maadaama ay taariikh iyo magacba ku dhex leedahay dalkeenna, waxeyna taasi qiira galineysay Fanaannadda.
Munaasibaddani ayaa noqoneysa middii ugu ballaarneyd ee Marwooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha si wadajir u soo agaasimaan, laguna qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Radio Muqdisho