Waxaa saaka magaalada Muqdishu lagu aasay Allah ha u naxariistee weriye maxamed maxamuud Timacadde, oo xalay ku geeriyooday Isbital Madina ee maagaalada Muqdishu.
Aaska weriye Tima-Cadde ayaa waxaa ka qeyb galay weriyeyaasha ku nool magaalada muqdishu iyo dad shacab ah.
Aaska weriyaha ayaa waxa uu ka dhacay qeybta qabuuraha ee isbitaal Madina.
Geerida weriye maxamed Maxamuud Tima-cadde ayaa waxaa wax laga xumaado ku tilmaamay bahda warbaahinta Soomaalida ee ka howl gasha gudaha iyo dibadda waddanka.
Bar-kulan