Maxamad ku taala dalka Spain ayaa xukuntay lix nin oo burcad badeed Soomaali ah oo isku dayay in ay afduubtaan Markab dagaal oo laga leeyahay dalkaasi xili uu marayay xeebaha Soomaaliya bishii January ee sanadkii 2012ka.
Lixdan nin ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdullahi Xasan, Maxamed Aadan Maxamed, Ciise Cabdullahi Ciise, Cabdillahi Maxamed Guuled, Maxamed Saciid Axmed iyo Xamuud Elfaf Mahou.
Mid ka mid ah ragaasi waxaa lagu xukumay 12 sano iyo bar oo xabsi ah halka Shanta kale lau xukumay min sideed sano oo xabsi ah.
Intii ay makamadan ka socotay magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain ayaa Lixda nin waxa ay diideen eedeeynta loo soo jeediyay oo ah in ay burcad badeed yihiin, iyagoo sheegay in ay yihiin kaluumeeysato oo caawinaad u soo aaday Markabka.
Raggan ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen milatariga dalka Spain.
Markabka dagaal oo ay isku dayeen in ay ragani afduubtaan oo lagu magacaabo Patino waxa uu qeyb ka ahaa howlgalka Atlanta oo ay Midowga Yurub ka wadaan xeebaha Soomaaliya kaasi oo lagula dagalaamayo burcad badeeda ka qowleysata badweynta Hindiya xili ay wateen dooni dheereeysa.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Lixda nin ee saarnaa doonida dheereeysa ay isku dayeen in ay fuulaan markabka Patino.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in raggani ay ku hubeysnaayeen qoriga AK47 iyo bom gacmeedyo, iyagoo rasaas ku soo riday Markabka, halka rasaas jawaab celin ah ay ku rideen ciidamada markabka saarnaa,waxana is rasaaseynta ay socotay muddo laba daqiiqo ah.
Xamoud Elfaf Mahou, ayaa lagu eedeeyay in uu xubin ka ahaa urur danbiilayaal ah waxana lagu xukumay xabsi ka dheer kan lagu xukumay shanta kale.
Arbacadii la soo dhaafay ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in falalka burcad badeeda ay gaareen heerkii ugu hooseeyay ilaa sanadkii 2009ka, taasina waxaa sababay in la xoojiyay ilaalada Maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo maraakiibta reer galbeedka oo kor u qaaday ilaalada ay ka hayaan biyaha Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in 17 weerar oo barcad badeednimo ah dhaceen lixdii bilood ee ugu hreeysay sanadkan 2013ka, marka la bar bar dhigo 99 weerar oo dhacday sanadkii hore
Ban ki-Moon ayaa sheegay in sanadkii 2012 ay burcad badeeda Soomaalida madax furasho ahaan u qaateen lacag dhan 40 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.
Radio Muqdisho