Mid ka mid ah hogaamiyaasha Alshabaab Cikrama oo muddo sanad ah ku noolaa London(

0
986

AlshabaabBaraawa1Abdukadir Mohamed Abdukadir oo loo yaqaan Cikrama oo ahaa qofkii ay doonayeen ciidamada Maraykanka ee weeraray Baraawe ayaa la sheegay in uu ku nooloaa magaalada London muddo sanad ah kadib markii uu ka waayay dalka Norway magangalyo.

Sida ay daabaceen wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska maanta Cikrama ayaa ahaa hogaamiyaha saddex isku day oo lagu doonayay in lagu qaado dalka Kenya iyadoo mid kamid ahna ay ka mid ahayd Samantha Lewthwaite carmasha Britishka ah.

Cikrama iyo Samantha ayaa lagu eedeynayaa in ay qorsheynayeen weeraro lagu qaado dalka Kenya gaar ahaan hoteelo,xarumo laga dukaameysto,xafiisyada Qaramada Midoobay iyo xeryo milatari. Waxaana falalkan la fulin lahaa afar ruux oo uu ka mid yahay nin u dhashay dalka Britain laguna magacaabo Jermaine Grant.

Sida uu daabacay The Telegraph maanta Cabdqadir Maxamed Cabdqadir oo loo yaqaan Cikrama waa dhowr iyo soddon sano jir Soomali-Kenyan ah kuna barbaaray xaafada Eastleigh ee ka mid ah xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Cikrama ayaa la sheegay in uu u safray dalka Norway sanadkii 2004 halkaa oo uu ku codsaday in la siiyo magangelyo siyaasadeed. Hase yeeshee markii loo diiday ayuu u wareegay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxa la aaminsan yahay in Cikrama uu muddo sanad ah joogay London sida uu u sheegay BBC qof ay saaxibo ahaayeen. Hase yeeshee Cikrama ayaa u safray dalka Soomaaliya dhamaadkii 2007 ama bilowgii 2008,xilligaas oo uu ku biiray ururka Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka ee Britain ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay ogaadaan inuu xiriir kala dhexeeyay Cikrama Islaamiyiin asal raac ah xilligii uu ku sugnaa Britian.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Norway ayaa waxa ay baarayaan in uu xiriir kala dhexeeyay Cikrama Xasan Cabdi Dhuxulow oo ah muwaadin Norwegian ah balse asalkiisii hore ahaa Soomaali kaasoo la rumeysan yahay in uu hogaaminayay kooxdii weerartay xaruntii Wesgate ee Nairobi bishii hore.

Sida ay qoreen wakaaladaha wararka ee Yurub qaarkood Cikrama waxa uu ka mid yahay taliyaasha qeyb gaar ah oo ka mid ah Al-Shabaab loona yaqaana Amniyaat. Waxayna ahaayeen unugii ka dambeeyay weerarkii Westgate kaasoo ay ku dhinteen illaa iyo 67 ruux oo ay ka mid ahaayeen lix ruux oo haystay dhalashada Britain.

Hase yeeshee inuu qeyb ka ahaa weerarkii Westgate lama cadeyn. Balse waxaa la sheegay in uu Cikrama xiriir hoose la lahaa Muse Dheere oo ahaa qofkii lala dilay Fazul Abdullah oo lagu dilay Muqdisho sanadkii 2011kii.

Warar laga helay sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale sheegaya in Cikrama uu qorsheyay weerar la doonayay in lagu qaado garoonka dayuuradaha ee Mandheera, kaasoo ah xarun ay isticmaalaan ciidamada Kenya ee la dagaalama Al-shabaab.

 

Jowhar