Midowga Afrika ayaa ayiday in la kordhiyo tirada ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo tiradooda ay gaareyso 6,235 lagu biiriyo howlgalka AMISOM si tirada guud ee ciidanka AMISOM loo gaarsiiyo 23,966 muddo xaddidan oo ku eg 18 – 24 bilood.
Golaha wuxuu toddobaadkan ayiday talooyinka dib u eegista ciidanka AMISOM, wuxuuna shalay oo Jimce ahayd ku dhawaaqay go’aanka ah kordhinta ciidanka.
Go’aankan ayaa u baahan ansixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Howlgalka AMISOM wuxuu ka kooban yahay ciidamo u badan dalalka Kenya, Uganda iyo Burundi.
Ethiopia ayaa sidoo kale ciidamo u dirtay Soomaaliya, walow ciidankeeda aanay hoos-tagin taliska AMISOM.
Toddobaadkan, raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dalalka reer Galbeedka iyo kuwa kaleba looga bahaan yahay kordhinta taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM, balse wuxuu sheegay inuusan arkin baahi keeneysa in la kordhiyo ciidamada Afrikaanka ee ku sugan Soomaaliya.
Bar-kulan