Qarax bambaano oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar iyo howl galo ka socda

0
812

JowharWararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay qarax bambaano oo labo ruux ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Xaafada Hantiwadaag,

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu tuuray meel ay ku caweynayeen dhalinyaro, gaar ahaan Laanta Bar-yare waxaana meel aan sidaa uga fogeyn fariisimo ku leh ciidamada dowladda.

Rasaas ayaa la maqlay goortii uu xalay qaraxa ka dhacay magaalada, inkastoo aan la soo sheegin qasaare ay geysteen.

Labada ruux ee qaraxa ku dhaawacantay ayaa dhaawacooda la sheegay inuu fudud yahay, iyadoo saaka ciidamada ay xaafadaha qaar howl galo ka wadaan.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa qaraxyo nuuca bam gacmeedka ka dhacayay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar, waxaana taasi keentay in isu socodka habeenkii iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ay saameyn ku yeelato.

Source: Jowhar