Qarax qasaaro u geystay Saraakiil iyo Askar ka tirsan DFS oo ka dhacay Gobolka Gedo

0
899

Qarax20130616Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerar bambaano ah oo Xalay lagu qaaday Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo oo ay ku sugnaa yeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna.

Qaraxan oo ahaa miinasda dhulka lagu aaso islamarkaanlala beegsaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah fahino kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha dhimashada ee ka dhashay qarax lala eegtay Saraaiisha Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Isxaaq oo ka mid ah Saraakiisha Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ii la hadlay Idaacadda Sky ee Magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyay in Qarax miino uu ku geeriyooday Taliyaha dhanka amniga ee Defgmada Baladxaawo iyo Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa sidoo kale uu xusay Qaraxa au ku dhawacmeen Taliyaha Booliska Degmada iyo labo Askari o ka tirsan Dowladda Sooomaaliya.

Sarkaal Maxamed Xuseen Isxaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo Ciidamada Dowladda ay iminka wadaan howlgallo ballaaran ay ku doonayaan Kooxihii ka dambeeyay waxaana uu xusay in rajo wanaagsan ka qabaan gacan ku soo dhigasta Ragii ka dambeeyay Qaraxa ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Saraakiil iyo Askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaraxan sababay dhimashada iyo dhaawac ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kuwa intabdan Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda lagula eegto Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo iyadoona Qaraxyaadaasi intooda badan aysan aheyn kuwa qasaaro ka beyr ah.

Shabelle