Qaraxyo ciidamo ka tirsan dowlada lagula eegtay magaalada Muqdisho

0
889

QaraxMuqdisho20130712_2Gaari Roneed ah oo ay waten ciidamo ka tirsan dowlada somaliya oo marayay suuqa dahablaha ayaa koox aan haybtooda la gananayn waxa ay ku weraren bambada gacanta laga tuuro , goobjoogayaal ku sugan suuqa bakaaraha oo la hadlay warbaahinta shabelle ayaa waxa ay sheegeen ka dib markii uu qaraxa dhacay oo ay ciidamu rasaas ooda ka qaadeen.

Wararka ayaa waxay intaasi ku siii darayaan in ciidamadii qaraxa lala beegsaday uu qasaare ka soo gaaray qaraxaasi in kastoo qaraaraha rasmiga ah aan la xaqiigin Karin.

Dhanka kale xaafada Gubta ee dagmada deyniile waxa gaari ay wateen ciidamada dowlada lagula eegtay qarax miino ,goobjoogayaal ku sugan xaafada gubta ee dagmada deyniile ayaa shabelle ay u sheegeen in ciidankii garaxa miino lala beegsaday uu soo gaaray qasaare isugu jira naf iyo maal, iyadoona goobta uu qaraxa lagula eegtay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowlda somaliya kuwaas oo baaritaano ka wada halkaasi.

Si kastaba xalay iyo maanta ayaa magaalada muqdisho wax aka dhacay qaraxyo iyo weraro qaar ka mid ah masuuliyadooda waxa sheegtay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka.

Shabelle