Qaraxyo xalay ka dhacay degmooyinka Marka iyo Afgooye ee G/Sh/Hoose

0
938

Qarax20130616Qaraxyo bambaano ayaa xalay ka kala dhacay degmooyinka Marka iyo Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo qaraxyada lagu weeraray baro ciidan.

Hoy uu degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ka degenaa Gudoomiyaha degmadaas ayaa xalay fiidkii lagu weeraray.

Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in qaraxaas aanu wax qasaare uusan geysan, isla markaana uu bamka ku soo dhacay meel u dhow gurigiisa.

Waxaa uu sheegay in bamka uu soo tuuray wiil 12-jir ah, isla markaana ciidamada ay baadigoob ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Sidoo kale labo qarax ayaa xalay ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Afgooye, gaar ahaan fariisin ciidamada milateriga ku lahaayeen laanta koowaad.

Qaraxyada ayaa la soo sheegin inay wax qasaare ah geysteen iyo in kale, iyadoo xalay ciidamada ay howl galo ka sameeyeen xaafadaha Afgooye.

Qaraxyada lala eegto saldhigyada ciidamada iyo guryaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda ayaa ahaa kuwo ku soo badanayay deegaanada gobolka oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Jowhar