Roobab iyo Fatahaado is biirsaday oo sababay in Dadka reer Jowhar ay ku safraan Doonyo

0
932

FatahaadJohar20131029_1Saameyn dhanka socdaalka ah oo aad u adag ayaa xiligan heysata dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe iyo tuulooyinka ku dhow dhow kadib markii ay roobab iyo fatahaadaha wabiga Shabelle oo isbiirsaday sababeen iney go’aan wadooyinka ay dadku ku safri jireen.

Isticmaalka Doonyaha socdaalka ay u isticmaalayaan dadka ku dhaqan magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda ayaa si aad ah usoo if baxday maalmahan kadib markii ay gaadiidku awoodi kari waayeen iney sidoodii hore u shaqeeyaan waxaana wadooyinka intooda badan xiligan jaray biyo taasi oo aad uga adag qaababkii ay dadku horey socdaalka u geli jireen.

Wadooyinka ay biyuhu gooyeen waxaa ka mid ah wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ayadoo dadku markii ay gaaraan meel qiyaastii 5KM u jirta magaalada Jowhar ay raacaan doonyo kuwaasi oo iyagu geeya afaafka hore ee magaalada kadibna dadku waa ay kasii lugeeyaan ayadoo qiimaha doonta lagu raacana uu badanyahay.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in dadku xiliga ay lugaynayaan ay ka baqanayaan in biyaha badan ay ka dhashaan bahallo dadka cuna sida Yaxaasyo iyo Masas taasina waxey keentay inaanay dadku socdaalin xiliga habeenkii ah baqdin aawgeed.

Dhinaca kale xaalad nololeed oo aad u adag ayaa heysata xiligan dadkii ay fatahaadaha wabiga Shabelle ka barakiciyeen guryahooda ay degenaayeen oo ku yaala tuulooyin gaaraya 30 tuulo oo iyagu ku yaala nawaaxiga magaalada Jowhar ayadoo qoysaskanna ay isugu jiraan beeraley iyo xoolo dhaqato.

Gargaarka ay helayaan dadkaasi fatahaadaha uga soo barakacay tuulooyinkii ay degenayaan ayaa aad u yar ma jiro wax gargaar ah oo uga yimid dhanka Hay’adaha samafalka iyo Dowladda toona balse qaar ka mid ah jaaliyadda reer Jowhar ee dalka dibaddiisa ku dhaqan ayaa soo gaarsiiyey xoogaa deeq waxaana ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah in loo fidiyo.

 

Radio Muqdisho