R/wasaare ku xigeen ahna W/Ariimaha dibadda oo xalay soo gebagebeeysay safarkii ay ku joogtay magaalada Toranto

0
939

FowsiyaInOttawa20131002_3Ku xigeenka Ra’isulwasaaraha Dalka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xalay si rasmi ah usoo gebagebeysay safar shaqo oo wafdi ay hogaamineyso ay ku joogeen magaalada Toronto kadib markii ay kulammo kala duwan la qaadatay madaxda dalka Canada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada marwo Fowsiyo ayaa soo gabagebeysay safarkii ay ku joogtay magaalada Otawa ee caasimada dalka Canada halkaas oo ay kula kulantay mas’uuliyiinta dalkaasi iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool mgalaadaasi.

Marwo Fowsiyo iyo wafdiga ay hogaamineyso ayaa usoo gudbay magaalada Toranto ee dalkaasi, waxeyna sidoo kale la kulantay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi sidoo kale waxa ay la kulantay gudoomiyaha gobolka Oterio iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka gobolkaasi.

Wasiirka ayaa kala hadashay mas’uuliyiinta gobolkaasi dhibaatooyinka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toranta ka heysta caruurta.

Sidoo kale Marwo Fowsiya ayaa la kulantay 50 qofood oo la soo xulay oo meteleysay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi, waxeyna kala hadlashay sidii loo sameyn laha rug ganacsi oo ay leeyihiin dadka iyagu maalgashiga sameeya, iyadoo halkaasi xariga uga jartay rugtaasi ganacsi.

Isla habeenkii xalay ayaa R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada waxa ay ka qeybgashay kulan balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada Soomaalieed ee ku nool magaalada Toranta kaas oo lagu qabtay Hotelka Toranto Plaza.

Radio Muqdisho