Boqolaal qof ayaa saaka salaadii ciida ah meel fagaare ah oo ku taal degmada Baraawe kula dukaday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halkaasoo khudbado ay ugu jeediyeen.
Fagaaraha lagu oogay Salaada ayaa aad ugu dhoweyd Xeebta Baraawe oo 5-tii bishan ay Ciidamo Mareykan ah ku weerareen guri ku dhow xeebta oo uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Sheekh Cali Dheere) iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka mid ahaa saraakiisha la dukaday shacabka magaalada Baraawe.
Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Shabellaha Hoose ayaa khudbad afka carabiga ku baxeysay ka aqriyay fagaaraha salaada kadib, isagoo ka hadlay dagaalada ay ka soo hoyeen Mujaahidiinta furimaha kala duwan ee Caalamka ay isku hor fadhiyaan Gaalada sida uu yiri.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay weerarkii Westgate iyo howl galkii Mareykanka 5-tii bishan ku qaaday Baraawe, isagoo xusay in weerarkii Westgate aanu aheyn dagaal weyn, balse uu ahaa kaliya fariin ay Mujaahidiinta u dirayeen Kenya.
“Weerarkii Westgate ma aheyn dagaal weyn oo ay Mujaahidiintu qaadeen, wuxuu ahaa fariin aan u direynay Kenya dulmiga iyo cadawtinimada ay ku soo weerartay dhulka Soomaaliya”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii fashilmay ee Ciidamada Mareykanka ku soo qaadeen Baraawe uu ahaa mid ujeedkiisa ahaa in indhaha caalamka looga leexiyo xeebta Kenya ku dhacday, balse ay aad isaga difaaceen ciidamadii soo weeraray sida uu yiri.
Degmada Baraawe oo leh xeeb ayaa lagu tilmaamaa deegaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, iyadoo lagu xusuusto weeraro dhowaan ka kala dhacay oo mid ka mid ah lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Shabaab oo khilaaf kala dhaxeeyay Hogaamiyaha Shabaab Abuu Zubeyr.
Shabelle