Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo sida ay ku soo warrameyso weriyaha Bar-kualn ee Muqdisho.
Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa la sheegay inay dileen marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Fayfle.
Maleeshiyada dilka geysatay ayaa la sheegay inay ka baxsatay goobta, ciidanka dowladda oo meesha gaaray ayaa wada baaritaan ay ku baadigoobayaan gacan ku dhiiglayaasha.
Saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya ayaanan weli ka hadlin dhacdada.
Lama oga cidda dishay iyo sababta loo dilay marxuumka.
Bar-kulan