Shirka sahminta shidaalka Soomaaliya oo lagu soo gaba gabeeyay London

0
939

OilDrillWaa markii ugu horeysay oo shir nuuciisa ah la qabto islamarkaasna looga hadlayo sahminta Shidaalka iyo Gaas laga helo Soomaaliya, waxaana uu kusoo beegmayaa 2 Bilood kadib markii shirkada Britishaka ah ee la yiraahdo Soma Oil and Gas oo uu madax u yahay Hogaamiyihii hore ee Xisbiga Muxaafadka ee Talada wadanka Britain haya ay heshiis magaalada Muqdisho kula gashay doowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee shir noociisa oo kale ah la qabto oo looga hadlayo sahminta shidaal iyo gas laga helo Soomaaliya, waxaana uu ku soo beegmayaa laba bilood kadib markii shirkadda British-ka ee Soma Oil and Gas ay heshiis magaalada Muqdisho kula gashay dowladda federalka ee Soomaaliya, si ay uga caawiso sidii loo baari lahaa, loona horumarin lahaa hydrocarbon Soomaaliya.

Dadka dhaliilsan arrimaha heshiiskan dhinaca shidaalka waxa ay sheegayaan inay jiraan khatar xagga siyaasadda iyo ammaanka oo ay sheegayaan inay keeni karto in dhibaato hor leh ay Soomaaliya geliso oo la isku qabsado kheyraadka.

Waxa ay suaal ka keenayaan awoodda dowladda federalka ee Soomaaliya oo aan gacanta ku wada hayn dalka inay wax ka qaban karto arrimaha caqabadaha ku noqon kara sahminta shidaalka Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrinta ammaanka.

Qabanqaabiyayaasha shirkan caalamiga ah ee looga hadlayo fursadaha iyo sahminta shidaalka Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in hawshooda ay soo jiidan karto maalgelin shisheeye, taasi oo dalka Soomaaliya ee dagaalladu baabi’iyeen u horseedi karta barwaaqo iyo dhaqaale wanaagsan oo keena fursado shaq, laakiin in badan in guul laga gaaro arrintan waxay ku xirnaan doontaa xaaladda ammaanka dhulka oo qeybo badan ay ka taliyaan xooggaga al Shabaab oo la dagaallamaya dowladda Soomaaliya iyo danaha reer galbeedka.

Midnimo.com