Maamulka gobolka Galgaduud ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qodobo ka soo baxay shir looga hadlayay aayaha gobollada Dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah ay ka soo baxeen shirka,waxana ka mid ah in la sameeyo dib u heshiisiin dhameystiran,iyadoo lala kaashanayo dowlada federaalka iyo cuqaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada dhexe.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo baxay in la dar dar galiyo guddi farsamo oo sii amba qaada waxyaabaha ka soo baxay shirka
Guddoomiye Cirfo ayaa intaasi ku daray in 2 todobaad ka dib shir kan la mid ah lagu qaban doono xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado.
Shirkan looga hadlayay aayaha gobollada dhexe iyo sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa gobolladaasi ayaa daba socda shir bartamihii sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho.