Sirdoonka Norway oo ka hadlay wiil Soomaali ah oo kamid ahaa kooxihii weeraray Westgate

0
908

Westgate20131005_2Sawirka Xasan Cabdi Dhuxulow oo la sheegay in uu kamid ahaa kooxihii weeraray Westgate

Hay’adda sirdoonka gudaha ee dalka Norway ayaa markii ugu horreysay ka hadashay nin Soomaali ah oo dhalashada dalkaas heysta, kaasoo kamid ahaa sida la sheegay kooxihii bishii hore weeraray suuqa ganacsifa Westgate ee magaalada Nairobi.

Madaxa sirdoonka ee Norway, Marrie Benedicte, ayaa Arbacadii u sheegtay wakaaladda wararka ee AP, in hay’adoodu ay aqoonsatay ninka la tuhmay, isla markaana ay isku dayeen in ay ka dhaadhiciyaan in uusan kamid noqon dagaalyahannada xagjirka ah.

AP ayaa qoraysa in sirdoonka Norway ay ku guuldareysteen in ninkaasi laga celiyo in uu ku biiro kooxda Al-Shabaab.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23 jir ahaa uu kamid ahaa afar nin oo laga dhex-arkay muuqaal laga helay weerarkii Westgate.

Dhuxulow ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay qaxooti ahaan ku galeen Norway sannadkii 1999, waxaana lagu tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u mayal adag.

 

Bar-kulan