Soomaali laga soo celiyay garoonka diyaaaradaha Kampala iyo Amniga Uganda oo la adkeeyay

0
1031

UgandaMapDowladda Uganda ayaa tan iyo markii uu dhacay bishii hore weerarkii Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi waxay si aad ah u adkeysay ammaanka gudaha iyo meelaha laga soo galo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebe ee magaalada Kampala dad Soomaaliyeed oo doonayay inay galaan, kadib markii ay keeni waayeen xiriirada meesha ay ku socdeen, halka qaarkood ay waayeen cid damiinata.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda Abuukar Garweyne ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxaa uu sheegay in Soomaali badan laga celiyay garoonka diyaaradaha Entebe.

Waxaa uu sheegay in Jaaliyada ay la kulmeen hey’adaha ammaanka, ayna kala hadleen arrimaha sugida ammaanka, isagoo tilmaamay inay sameeyaan xafiis laga diiwaan geliyo Soomaalida imaaneysa Uganda.

“Waxaan sameynay Xafiis diiwaan gelin ah oo loogu fududeynayo dadka imaanaya halkan, marka Taksi lagaga soo qaado Entebe waxaa la keenayaa Xafiiskaas, kii caafimaad u socda waa loo fududeynayaa, hadii waxbarasho u socdo iyo hadii qaxooti u socdo”ayuu yiri Gudoomiyaha.

Safaarada Mareykanka ay ku leedahay magaalada Kampala ayaa dhowaan soo saartay digniin ku aadan weeraro la mid ah kii Westgate inuu ka dhaco Kampala.

Hey’adaha ammaanka Uganda ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha, xuduuda laga soo galo iyo meelaha dadka ku badan yihiin oo la dhigay ciidamo muuqda iyo kuwa aan muuqan oo la socda dhaq dhaqaaqyada.

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weeraro ku qaadeyso dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, hadii aanay isaga bixin.

Jowhar