Sudan Oo sheegtay in Muwadiinteeda aysan ka qayb qaadan Weerarkii Westagte Mall lagu qaaday

0
919

Westgate20131005_2Shabelle

Dowlada Sudan ayaa waxa ay beenisay in Muwadiin u dhalatay dalkeeda ay ka qayb qateen Weerarkii lagu qaaday Xarunta ganacsi ee westgate bishii aanu kasoo gudubnay, weerarkaasi oo ay ku dhinteen dad aad u farabadan.

Bishii October, Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca dalka Kenya ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in Muwaadin u dhashay dalka Sudaan oo lagu Magacaabo Abu Baara Al-Sudani uu kamid ahaa kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta Westagate Mall ee Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

War kasoo baxay dowlada Sudan ayaa lagu sheegay in Abu Baara Al-Sudani uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya uuna wax shuqul ah ku lahayn dalka Suudaan.

hadii uu Ninkaasi lagu Magacaabo Sudani ma aha inuu kasooo jeedo dalka Suudaan ee waa Magac oo kaliya ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dalka Sudan.

Kadib Weerarkii lagu qaaday Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate ayaa waxaa soo shaacbaxday in dagaalyahano shisheeye oo katirsan Xarakada AL-Shabaab ay ka qayb qaateen Weerarkii Westgate ka dhacay, weerarkaas oo Masuuliyadiisa ay sheegteen Xarakada AL-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.