Tahriibayaal gaaraya 700 oo laga soo bad baadiyay Xeebaha Talyaaniga

0
1078

DadaabRefugeeCamp20130411Masuuliyiinta doowlada Talyaaniga ayaa sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay Ciidamada Badda soo bad baadiyeen 700 oo Tahriibayaal ah, kuwaasoo la socday ilaa 5 Doomood, Tahriibayaashaan oo isugu jira Afrikaan iyo Carab ayaa kasoo safray Xeebaha Libya.

Doowladaha Dhaca Koofurta Yurub, ayaa hada kulan ku leh magaalada Brussels, kuwaasoo dhibaato xoogan ku qaba Tahriibka Sharci darrada ah, waxaana ilaa iyo hada aysan ku guuleysan ineey mowqif mideysan ka qaataan sidii loo joojin lahaa arintaan.

Bishii lasoo dhaafay, ayaa Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga waxay laba laabeen Ilaalinta Biyaha, kadib markii meel u dhow Xeebta Lampedusa ay ku dhinteen Tahriibyaal gaaraya ilaa 350, kuwaasoo u badnaa Soomaali, Ereterian iyo Syrian.

Jaziirada Lampedusa ayaa aad ugu dhow dhanka Afrika, waxaana si joogto ah ugu soo xirta Dooman wada Tahriibayal kayimid Afrika iyo Caran.

QM ayaa sheegtay in sanadkaan oo kaliya ay Jaziirada Lamedusa soo gaareen Tahriibayaal lagu qiyaasan 32,000.

Dhibaatooyinka sii lixaadsaday ee kajira wadamo badan oo Afrikaan ah iyo dalka Syria, ayaa sii laba laabay dadka u tahriibayaa Talyaaniga, kuwaasoo doonaya ineey uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurub.

 

Warkii