Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kormeer Ku Sameeyay Xarumihii Ciidanka Ee Baydhabo Ku Yaalay

0
902

baydhabo3Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo maanta gaaray magaalada Baydhabo, ayaa kormeer ku sameeyay xarumihii ciidamada booliska ay ku lahaayen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Jeneraal C/xakiin Daahir Saacid taliyaha ciidanka Booliiska oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa markii ay gaareen magaalada Baydhabo waxa ay kormeer ku soo kala bixiyeen xarumihii ciidamada oo kala ah, dugsigii tababarka booliska, xeradii daraawiishta, qeybta booliska, saldhiga booliska ee degmada, xaruntii taraafikada, hoyga taliyaha qeybta booliska iyo qeybta dambi baarista.

Janeraalka ayaa hoosta ka xariiqay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumaha ay kormeerka ku tegeen oo qaarkood uu tilmaamay inay ka muuqato bur bur aad u xoogan, isagoo intaa ku daray dowladdu ay sidoo kale fulineyso dhameystirka waxyaabaha aas aasiga u ah ciidamada booliska ee gobolkaasi ku sugan.

Taliyaha ciidanka Booliska iyo saraakiisha la socota ayaa inta ay kusuganyihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi kulamo gooni gooni ah kula qaadan doono saraakiisha booliska ee gobolkaasi ku sugan iyo qeybaha bulshada oo ay kala xaajoon doonaan xaaladaha ay kusuganyihiin.