Uganda oo Xabsiga dhigtay qaar kamid ah Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya

0
892

AmisomAfhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa Wakaalada wararka AP u sheegay in 40 Askari oo Ugandes ah iyo Taliyahooda kana Howlgalayay Soomaaliya lasoo xiray, waxaana uu sheegay in lagu soo oogay danbi ah ineey Musuq maasuqeen Lacag iyo Raashin Ciidamada loogu tala galay.

Col. Paddy Ankunda, ay aa sheegay in Askartaan hada Su’aalo lagu weydiinayo Xaruun Milatari oo ku taal magaalada Kampala ee Caasimada dalkaas.

Ciidamadaan ayaa danbiyada lagu soo oogay waxaa kamid ah, ineey Rasaasta iyo Madaafiicda u iib geyn jireen Suuq madoow oo ku yaal Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay iney iibsan jireen Shidaalka loogu tala galay in lagu shubo Gawaarida iyo Taangiyada Ciidamada, taasoo halis galisay Boqolaal Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa in mudo ahba waxaa lagu eedeeynayay Musuq maasuq iyo wax isadaba marin, laakiin Tuhunka ayaa banaanka yimid Markii M/weynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, uu Xog wareystay qaar kamid ah Ciidamadiisa, kuwaasoo dib loogu celiyay Uganda.

Qaar kamid ah Ciidamada ayaa M/weyne Museveni markii ay u sheegeen Musuq maasuqa ay ku sameeeyeen Saraakiisha qaarkood, waxaa Indhihiisa kasoo daatay Ilimo, waxaana uu wacad ku maray in Saraakiishaas la marsiin doono Ciqaab adag.

“Eedeymaha la xiriira Musuq maasuqa ay ku kaceen qaar kamid ah Saraakiisheena ku sugan Soomaaliya, waxaan u qaadaneeynaaa seey tahay, baaris ayaa socota hada, cidii ay ku cadaatana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa” sidaa waxaa yiri Ankunda.

Uganda oo ah wadanka ugu badan ee ay Ciidamo kajoogaan Soomaaliya, gaar ahaan Howlgalka AMISOM, ayaa waxaa hogaamiya Sarkaal lagu magacaabo Gen. Andrew Guti, mana kamid ahan Saraakiisha lagu eedeeyay Musuq maasuqa, laakiin ku xigeenkiisa Michael Ondoga, ayaa kamid ah Saraakiisha u xiran Musuq maasuqa.

Midnimo