Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo ku sii jeeda Kismaayo

0
882

KismayoCityWafdi ka socda dowladda Itoobiya ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, iyagoo maamulka KMG ee Jubba kala hadlaya muranka ku saabsan shirka Dib u heshiisiinta Jubooyinka ee dowladda ku baaqday inuu Muqdisho ka dhacayo 21-ka bishan.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa ku cadaadin doona Maamulka uu hogaaminayo Axmed Madoobe inuu aqbalo in shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka inay ka qeyb galaan, kadib markii ay diideen.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu kormeerayo suurta galnimada in wax un ka dhaqan galeen heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ay ku kala saxiixdeen.

Lama oga in wafdiga ka socda Itoobiya inay imaanayaan magaalada Muqdisho iyo in kale, hase ahaatee booqashada ay ku tagayaan Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli Maamulka KMG ah ee Jubba uu qaadacay inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee Muqdisho ka dhacaya.

Mid ka mid ah qodobadi heshiiskii Addis Ababa ayaa dhigayay in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasoo la isugu keenayo dhamaan dhinacyada ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka ee isku diidan siyaasada iyo maamulka deegaanadaas, si heshiis loo kala dhex dhigo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubooyinka ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu balanta ka baxay, isla markaana uu jebiyay qodob ka mid ah heshiiskii Addis Ababa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wax war ah ka soo bixin diidmada Maamulka Axmed Madoobe ee shirka dib u heshiisiinta Muqdisho, inkastoo shirkan oo horay loo iclaamiyay inuu dhaco 5-ta bishan dib loo dhigay, lana qabanayo 21-ka bishan.

 

Jowhar