Wafdi ka socda IGAD iyo Midowga Afrika oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

0
833

AfricanUnionFlagWafdi ka socda IGAD iyo Midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, xilli Maamulka KMG ah ee Jubba uu dhowaan qaaday shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan wafdigan ayaa ka kala ambabaxaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii u dambeeyay wafdigan laga sugayay Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda IGAD ay kala hadlayaan Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe waxa ka qabsoomay heshiiskii Addis Ababa, iyadoo lagu wado inay kala hadlaan khilaafka soo kala dhex galay Maamulka Jubba iyo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga IGAD ayaa ku qancinaya Maamulka Jubba inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho, kaasoo lagu wado in 21-ka bishan uu dhaco, kadib markii Xukuumada ay horay dib u dhigtay.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu dhameystiro xubnaha Maamulkiisa, waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magacaabo ilaa saddex kuxigeenadiisa iyo Gudoomiyeyaasha saddex Gobol ee Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Gedo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wafuud kala duwan oo ka qeyb qaadaneysa dhameystirka Maamulka Jubba ay ku qul qulayaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo ah siyaasiyiin horay xilal uga soo qabatay dowladihii hore, waxaa maalmo ka hor gaaray Kismaayo Cumar Cabdirashiid, iyadoo lagu wado inuu dhowaan gaaro xubno uu ka mid yahay Cali Maxamed Geeddi.

Khilaafka cusub ee soo kala dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa mar kale caqabad ku ah dadaalka dib u heshiisiinta ee ay horboodayeen dowladaha Gobolka ee ku aadanaa xal u helida xaaladaha murugsan ee Jubooyinka, iyadoo uu fashil qarka u saarsan yahay heshiiskii Addis Ababa lagu soo saxiixay.

 

Jowhar