Wafdi ka socda IGAD, UNSOM, EU,AMISOM iyo Britian oo Kismaayo tegay

0
868

KismayoCityWafdi ka socda urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UNSOM iyo Britain ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

Xubnaha wafdiga oo hoggaaminayo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone ayaa ujeeddada safarkooda lagu sheegay in uu la xiriiro sidii ay taageero ugu muujin lahayeen heshiiska dowladda federaalka iyo maamulka ku meel gaarka ee Jubba ku dhexmaray magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa la filayaan in uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta ugu sarreeya maamulka ku meel gaarka ee Jubba, kuwaasoo diiraadda lagu saari doono sidii loo qaban lahaa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha daga gobollada Jubbooyinka oo wejigiisa hore lagu qaban doono Muqdisho, wejiga labaadna lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba oo baryahanba isku qilaafsanaa shirka dib-u-heshiisiinta dadka Jubbooyinka deggan ayaa ku heshiiyay in wajiga koowaad ee shirka lagu qabto magaalada Muqdisho.

 

Bar-kulan