Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

0
901

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

Wafdi madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hogaaminayay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed iyo xubno kale.

Dadweyne aad u fara badan oo sitay sawirka madaxweynaha iyo calanka soomaaliya ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo oo ku faraxsanaa imaashaha madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa garoonka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee, iyadoo kooxda muusikada ee bambeyda ay halkaasi ku sugnaayeen.

Soo dhaweynta ka dib ayaa waxaa kolonyada uu la socday madaxweynaha loo galbiyay gudaha magaalada kismaayo,waxana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee jubba iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay waxana la hakiyay isu socdka gaadiidka iyo dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa kala hadlaya mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee jubba dhaqan galinta heshiiskii Adis Ababa iyo qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta ee horaanta todobaadkan ka furmaya magaalada muqdisho.

Waa markii u horeeysay oo madaxweynaha J.F Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose tan iyo markii la doortay dhamaadkii sanadkii hore.

Radio Muqdisho

XasanSheekhInKismayo20131031_1 XasanSheekhInKismayo20131031_2 XasanSheekhInKismayo20131031_3 XasanSheekhInKismayo20131031_4 XasanSheekhInKismayo20131031_5 XasanSheekhInKismayo20131031_6