Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Netherlands oo ay hogaamineysay Wasiiradda ganacsiga dibadda iyo horumarinta iskaashiga Lilianne Ploumen, kana koobnaa diblomaasiyiin , mas’uuliyiin shirkado iyo ganacsato oo kulamo kala duwan la kala yeeshay Madaxda qaranka iyo qaar ka midha hey’adaha dowladda ayaa safarkooda shaqo ay soo gaba-gabeeyeen , waxa ayna gelinkii dambe ee maanta ay ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha Muqdisho , halkaasoo ay ku sii sagootiyeen madaxda agaasinka hab maamuuska qaranka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga .
Wafdiga ka socda dowladda Netherlands oo Airport-ka Muqdisho gelinkii hore ee maanta ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka Maaliyadda , Lacagta iyo Qorsheynta H.E. Mohamud Hassan Suleiman , Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E . Dr. Jamaal Mohamed Barrow iyo Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Avv. Hersi Haji Olosow , ayaa waxa ay kala qeybgaleen Wasiirka Kheyraadka dalka H.E. Abdirizaq Omar Mohamed iyo Wasiirka howlaha guud , guriyeynta , dib u dhiska , tamarta , gaadiidka badda iyo dekedaha H.E. Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy furitaanka shir ganacsatada Netherlands iyo kuwa Soomaalida uga soconayay hotel ku yaala Muqdisho .
Mas’uuliyiinta qaranka oo kala ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Hassan Sheikh Mohamud ,Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya H.E. Prof. Mohamed Sheikh Osman Jawari , Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Abdi Farah Shirdoon ayaa waxa ay si gaar gaar ah iyana ugu qaabileen Xafiisyadooda Wasiiradda ganacsiga dibadda iyo horumarinta iskaashiga dowladda Netherlands Lilianne Ploumen oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga labada dal .