Wariye ka howlgala TV-ga Universal oo saaka lagu dhaawacay Muqdisho

0
1025

wariyeLaDhaawaceyWariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka howl gala Tvga Universal qeybtisa muqdisho ayaa saaka lagu dhaawacay Muqdisho kadib markii ay soo weerareen kooxo hubeysn.

Maxamed Maxamuud Timacade ayaa kooxo hubeysan saaka ku weerareen kuna dhaawaceen xaafada korontada ee degmada Wadajir ee gobolka banaadir.

Kooxaha soo weeraray Timacade ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qeybta hoose ee jirkiisa iyo xabadka, waxaana hada lagu daweeynayaa cisbitalka Madiino.

Dhaqaatiirta ayaa ka deyrinayo xaalada caafimaad ee wariyaha,iyagoo walinala tacaalaya xaaladiisa.

Kooxihii gestay falkaasi ayaa baxsaday laakin dad badan ayaa rumeysan in arintani ay qeyb ka tahay dilal hore loogu geystay wariyayaal fara badan oo ka howlgeli jiray warbaahinta ka jirto Muqdisho.

 

Radio Muqdisho