Barnaamijka kulanka Todobaadka oo ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka SNTV ayaa todobaadkan waxaa marti ku ahaa Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarisiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada 11ka bilood ah ee ay xukuumaddu jirtay ayaa sheegay in horumar laga sameeyay 20 sano kadib arimaha hagaajinta dhaqaalaha,la dagalanka musuqmaasuqa soo celinta amniga iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed,
waxaa kale oo uu wasiirku tilmaamay in dowladu soo celisay xiriirkii caalamka intiisa kale ay la lahayd,
Dhanka wasaaradda warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta, iyo Gaadiidka ayuu dhinaca kale kahadlay waxyaabihii uu ku guuleystay intii uu xilkan hayay gaar ahaan shir uu kaga qeybgalay dalka Canada kaas oo looga hadlayay arrimaha Isgaarsiinta caalamka.
Wasiirka ayaa ka warbixiyay halka ay mareyaan howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo dhawaan lagu wareejiyay shirkad Turki ah, oo hada maamusha garoonka iyadoo dowlada Turkiguna ay dib u dhiseyso garoonka mudo 8 bilood gudaheed ahna la hirgelinayo garoon cusub ee Muqdisho ay yeelato.
Wasiir Ciilmooge waxa kale oo uu sheegay in ku dhawaad 200 oo wadan ay ku dhawaaqeen in xayiraadii laga qaaday garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan islamarkaana ay imaan karaan dhamaan duulimaadyada caalamka,
mar laweydiiyayw asiirka maamulka hawada Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in gacanta dowlada lasoo geliyo 1da bisha janaayo ee sanadkan ayuu sheegay in weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP dartiis ay codsadeen in dib loo dhigo mudo 3 bilood ah kadibna dowlada lagula wareejiyo dalka Kenya si kadib loogu soo raro gudaha wadanka,
Sidoo kale mudane Ciilmooge ayaa si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo kaladuwan oo ay soo weydiiyeen dhageystayaal ka soo wacay dalka iyo dibada, kuwaas oo soo weydiinayay su’aalo quseeya howlaha wasaarada gaar ahaan dhinacyada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadidka.
Radio Muqdisho