Wasaarada Difaaca ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladaha aduunka in Soomaaliya ay ka taageeraan sidii kooxda Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaanba gobolka geeska Africa, ayadoo sheegtay in ciidamadu ay ku guulaysteen ka hortaga qatarta kooxaha argagixisada.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi”, ayaa sheegay in awooddii kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab lagu soo koobay iney si dhuumaaleysi ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed, kadib dadaal badan oo ay sameeyeen ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
“Waxaa wax laga xumaada ah in ay ficillada xun xun u adeegsadaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen, maleeshiyaadka Shabaab,’’ ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi, ayaa sheegay in qorshaha ciidammada Xoogga dalka ee ku aaddan howlgallada ka dhanka ah nabad diidka in uu diyaar yahay, hasa yeeshee uusan warbaahinta ka iclaamineyn waqtiga ay howlgallada ku beegan yihiin.
Ciidammada Qalabka sida ayaa horey ugu guuleystay in ay fashiliyaan weerarro ay ku jireen Qaraxyo nabad diidku soo maleegeen, dhanka kale waxaa madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen in Tababarrada ciidammada dowladda ay ku qaataan gudaha dalka ay wax badan ka badeli doonto howlgalladii hore, sida ay u dhici jiree.
Radio Muqdisho