Wasiirka kheyraadka Soomaaliya “Waa waxba kama jiraan heshiisyadii ay Somaliland iyo Puntland la galeen shirkadaha shidaalka”

0
905

CabdirasaaqCumar20130925Dowlada Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay oo waxba kama ajiraan ku tilmaantay heshiisyadii ay horay ula galeen maamulada Soomaaliland iyo Puntland shirkadaha shidaalka baara sida uu sheegay wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed oo warkan sheegay xilli uu ka qeyabgalayey shairka looga hadlayey sidii loo soo saari lahaa shidaalka iyo gaaska ku jira dalka Saoomaaliya.

“Ruqso walba oo ay maamul goboleedyada siiyeen shirkadaha shidaalka baara waa waxkama jiraan oo wax ka soo qaad ma lahan, kheyraadka dalka oo dhan shirkadaha shidaalka waa inay dowlada Fedraalka kala xaajoodaan” ayuu yiri wasiirka kheyraadka oo sidoo kale ku booriyey dhammaan shirkadihii dagaaladii sokeeye ka hor shidaalka ka baari jiray dalka inay dib u bilaabaan howlahoodii shaqo.

“Waa inay dalka dib ugu soo noqdaan shirkadihii ruqsadda u heystay wixii ka horeeyay sanadkii 1991-dii ka hor burburkii dalka ka dhacay, marka xogaha kheyraadka soo dhameystirmaan dowladda waxay qorsheynaysaa sanadka 2014-ka inay bixiso shatiyo shidaal baaris ah” ayuu yiri wasiirku oo intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay qorista sharuucda shidaalka iyo wax ka bedelka dastuurka KMG ah gaar ahaan dhanka kheyraadka dabiiciga ah.

Sidoo kale wasiirka mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda Soomaaliya ee arrimaha shaidaalka ayaa waxa uu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay gacanta ku heysaa sidii ay u qori laheyd sharuucda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo waliba wax ka bedelka dastuurka dhanka kheyraadka dabiiciga ah, dhankaas waxaan la kaashaneynaa Baarlamaanka Soomaaliya si uu u melmariyo si dowladdu ay u yeelato awoodda keliya ee lagu soo saarayo kheyraadka dabiiciga ah, sida la ogyahay dalka waxa uu noqonayaa meel nabdoon waxaan ka dooneynaa shirkadaha inay u soo noqdaan baaristoodii hore”.

 

Warkii.com