Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa u qabtay Warbaahinta kala duwan ee dalka in ugu dambeyn 10-ka November ay isku soo diiwaan geliyaan, isla markaana ay qaataan shatigooda aqoonsi.
Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta ayuu sheegay in sidoo kale ay isa soo diiwaan geliyaan shirkadaha Isgaarsiinta, Madbacadaha iyo adeega Internet-yada dalka ka jira.
“Muddo sanad ayaa ka soo wareegatay dhismaha Xukuumada hada jirta, intaas oo dhan waxaa ku mashquulsaneyn wacyi gelin, wax isu sheegid, iyo in dadka ay fahmaan is bedelka dowladnimo ee dalka ka jira iyo in sida looga baahan yahay in shacabka ay dhowraan una hogaansamaa shuruucda dowladda u degsan”ayuu yiri Mr Ciilmooge.
Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan dad qaatay awaamiirta dowladda iyo kuwa aan dheg jalaq u siin oo ula jeeday warbaahinta ay horay ugu amreen inay isa soo diiwaan geliyaan.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in cidii isa soo diiwaan gelin weyso oo sharci daro dooneysa inay ku shaqeyso laga qaadi doono tallaabo, isla markaana ay ku wargelinayaan Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amiga Qaranka in la xiro warbaahintaas.
Jowhar