Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ka qeyb galay kulan looga hadlayo kheyraadka dabiiciga ah

0
1075

CabdirasaaqCumar20130923Wasiirrada Kheyraadka iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayo shidaalka iyo saliida oo ay ka qeyb galeen madax ka kala socotay dalal badan oo Afrika ku yaalla iyo dalalka shidaalka soo saara.

Wasiirka Kheyraadka dalka C/risaaaq Cumar Maxamed oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin sida wadamada horumaray ay u dhiirigelin lahaayeen wadamada soo koraya, ka faa’iideysiga kheyraadka dalalkooda.

“Shirka Waxa uu soconayaa sadax cisho, anaga ayuu maanta shirka nagu saabsanaa, waxaana looga hadlay sida looga faa’iideysan karo kheyraadka dalka, anaguna madaxdii ka qeyb gashay kulanka waan u gudbinay baahideena” ayuu wasiirka kheyraadka hadalkiisa ku daray.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale tibaaxay in shirka ay ka soo qeyb galeen shirkado badan oo dhanka shidaalka iyo saliida qaabilsan, islamarkaana shaqadoodu ay tahay in ay maalgeshi ku sameystaan dalalka soo koraya iyo in ay shidaalka ka baaraan dalalka ay heshiiska la galaan.

Shirka ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay quburo Soomaaliyeed oo ku xeel dheer arrimaha shidaalka iyo saliidda.

 

Radio Muqdisho