W/Gaashaandhigga Oo Sheegtay In Ciidamada XDS Ay Dhawaan Dalka Ka Xoreyndoonaan Shabaab

0
918

CabdixakiimFaqi20130611Wasaaradda Gaashandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo dhamaaday diyaargarow lagu xoreynayo deegannada fara ku tiriska ah ee weli gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada XDS aysan ka gaabin la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa dalka, wuxuuna intaa ku daray in uu soo dhamaaday diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ciidamadu dalka kaga xoreyn lahaayeen dhagarqabayaasha Shabaab.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in ciidamada XDS ay dhawaan maleeshiyaadka Shabaab ka xoreeyeen degmada Mahadaay iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wasaaradu diyaarisay qalabkii ay isticmaali lahaayeen ciidamada iyo mushaaraadkoodaba si niyada loogu dhiso ciidamada.

‘’ Ciidamada iyo wasaaraduba marnaba kama gaabinin la dagaalanka argagixisada Shabaab, waana waajibka ugu weyn ee na saaran, hadana howlgalada lagu xoreeyay Mahadaay, Buurane iyo Biyocade waxey salka ku hayeen waajibaadkaasi anago dhan na saaran’’ sidaasi waxaa yiri wasiirka Gaashaandhiga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi.

Wasiirka ayaa rajeeyay in mushaaraadka ciidamadka loo kordhindoono 100%, loona dhameystiridoono qalabki iyo gaadiidki ay u baahnaayeen si ay shabaab uga saaraan goblada dalka dalkeenuna u noqdo meel ka caaggan argagixisada.

Radio Muqdisho