Xiisad ka taagan degmada Hobyo, markii Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiil ay gaareen

0
951

hobyoMadaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ay wehliyaan shirkada xaga ammaanka qaabilsan iyo Saraakiil Mareykan ah ayaa gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa u kuur galaya xaalada ammaan ee deegaanada maamulkiisa, iyagoo maanta la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku sugan degmada Hobyo.

Wararka laga helayo Hobyo ayaa sheegaya in Xiisad ka taagan tahay, kadib markii lagu arkay Ciidamo fara badan oo iska soo horjeeda, kuwaasoo kala taabacsan Maamulka Galmudug iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb, iyadoo horay u jiray khilaaf ku saabsanaa maamulida degmada.

Xiisada ka taagan degmada ayaa laga cabsi qabaa inay isu bedesho dagaal gacan ka hadal ah, waxaana odayaasha deegaanka ay ku baaqeen in xiisada la qaboojiyo.

Maamulka Galmudug ayaa horay u sheegtay in Hobyo ay tahay Gobol hoos yimaada, iyadoo Maamulka Ximin iyo Xeeb uu tirsanayo inay ka mid tahay deegaanada maamulkiisa hoos-yimaada.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee socdaalka saraakiisha Mareykanka ku joogaan Galmudug, hase ahaatee waxaa la saadaalinayaa inay tahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada deegaanada burcad badeedka ku xoogan tahay, halkaasoo lagu heysto Wariye Mareykan ah oo kol hore lagu afduubtay Galkacyo.