Xoghayaha Guud Ee Q.M. Codsaday In Taageero Dheeraad Ah La Siiyo Dowlada Soomaaliya

0
942

XasanSheekhAndBankiMoon20130928_1Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa ka codsaday beesha caalamka in taageero dheeraad ah la siiyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya si looga fogaado khatarta kooxaha Shabaab Alqaa’ida.

Kulan ay xubnaha golaha amaanka ku yeesheen magaalada New York ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo khatarta kooxda argagixisada ah ee Shabaab iyo burcad badeeda Soomaalida.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Bank Moon oo hadal qoraal ah ka hor jeediyay kulanka golaha ammaanka ayaa si weyn uga hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Shabaab iyo burcad badeeda, wuxuuna Bank Moon ku boorriyay dowladaha caalamka iney sii laba laabaan taageerada la siinayo dowlada Federaalka Soomaaliya oo dagaallo kula jirta Argagixiso caalami ah.

Mr. Bank Moon oo hadalkiisa sii wataa ayaa intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay heshay xog muujineysa in kooxda Alshabaab ay xeelado kale u bedesheen dagaaladii fool ka foolka ahaa taasi bedelkeedana ay isku dayayaan iney beegsadaan xarumaha dowlada iyo kuwa Qaramada Midoobay.’

“ku dhawaad 17 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay magaalada Beledweyn, qataraha noocan ahna waxaa looga hortagi karaa iskaashiga ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM’’ ayuu yiri Mr. Bank Moon.

Mr. Bank Moon ayaa ka digay weeraro la mid ah kuwii ka dhacay magaalada Nairobi oo argagixisadu ka fuliso Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray in muhiim ay tahay in taxadar amaanka la xiriira la muujiyo.

 

Radio Muqdisho